banner adbanner ad

Al-Shabaab oo degmada Jilib ku toogatay Kenyan ay ku eedeeyeen inay basaas ahaayeen

| June 11, 2016 | 0 Comments

 

shabaab

Xarakada Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ku toogatay Labo nin Kenyan ahaa, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen Sirdoonada reer galbeedka iyo kuwa Kenya.

Raggan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala Jilib, waxaana lagu kala magacaabi jiray Jared Mokae Omambia oo 31 sano jir ah iyo Cabdullaahi abdulmajid Faraj oo 22 sano jir ah,

Labada nin ee Kenyanka ayaa ka soo kala jeeda magaalooyinka Eldoret iyo Mombasa, waxaana la xiray muddo dhowr bilood ka hor, kadib markii lagu helay inay u basaasayeen reer galbeedka.

Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalka culumaa’udiin caan ahaa oo lagu dilay gudaha Kenya.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggan ay qirteen dambigooda, isla markaana ay ku cadaatay inay la shaqeynayeen Sirdoonada reer galbeedka.

Maalinimadii shalayayay aheyd markii deegaan hoos-taga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay toogasho iyo gowrac lagula fuliyay afar ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay Sirdoonada Mareykanka iyo Kenya.

Mid ka mid ah raggaas ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay shirqoolkii lagu dilay Hogaamiyihii hore Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo bishii September ee sanadkii 2014 lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay.

Category: WARARKA CUSUB

About the Author ()

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *