banner adbanner ad

Hogaanka Amisom oo ka war bixiyay weerarkii Al Shabaab ee Halgan

| June 9, 2016 | 0 Comments
Taliska Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar isugu jiray ismiidaaminta iyo weerarka tooska ah oo saakay dagaalyahano katirsan ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Itoobiyaanku ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo Barta Twitter-ka ee AMISOM lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay iska caabiyeen weerarkii Shabaab kusoo qaadeen saldhigooda kuyaala deegaanka Halgan.
AMISOM ayaa sheegatay in ay ka hortageen weerarkii Al-Shabaab ayna ku jabiyeen weerarkaasi, waxa ayna tilmaameen in ay kudaba jiraan firxadka dagaalyahandii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Xereda Deegaanka Halgan.
Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin qasaaraha dhabta ah ee kasoo gaaray weerarkaasi saakay dhacay deegaanka Halgan, Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay Itoobiyaanka ka dileen 43 Askari.

Category: WARARKA CUSUB

About the Author ()

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *