banner adbanner ad

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf: ” Dhammaan Ciidamada AMISOM sharci darro ayey ku joogaan dalka

| June 8, 2016 | 0 Comments

 

-Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayay sharci la horkeenay Baarlamaanka oo la xiriira Ciidamo Gurmad ah oo ay yeelanayaan dalalka Bariga Africa ayaa sheegay in Heshiiskaas aysan  xilligaan gali Karin Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa cuskaday in Soomaliya aysan haatan la itaal ahayn dalalka heshiiskaan ka qeyb galaya sidas daraadeed ay  sababi karto in mar weliba nalagu dul socdo maadaama amar iyo mudnaan aanan yeelan Karin .

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay in Ciidamada AMISOM oo inta badan dalalka safka hore loo yaqaan ka socda ee iyagu dariska la ah Soomaaliya ay si sharci darro ah dalka uga howlgalaan sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaankii KMG ee dowladdii Cabdullaahi Yuusuf  Axmed ay ka soo horjeesteen in dalka Soomaaliya la keeno Ciidamo kuwa dariska ah, balse aan dhegna jalaq loo siinin go’aankii Baarlamaanka haatanna ay Ciidamo fara badan oo kuwa dariska inta badan dalka ku sugan yihiin.

Si kastaba heshiiska ay Soomaaliya ku dooneyso in ay kula Saxiixato dalalka Geeska Africa Ciidamo gurmad oo ay wada yeelanayaan oo dhawaan u soo gudbiyay Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa  sida ka muuqatay Hoolka Golaha Shacabka Xildhibaanada ayaa si weyn uga biyo diidanaa meel marintiisa.

Category: WARARKA CUSUB

About the Author ()

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *